Puntland Oo Imtixaanaadka Somaliland Ka Joojisay Laba Gobol

0

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta soo saartay Go’aan ay ku joojisay in Gobolada Sanaag iyo Haylaan dhinaca xiga dhankeeda la geeyo Imtixaanaadka Shahaadiga oo ay qaadeyso Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa lagu shaaciyay in la joojiyay in Imtixaanaadka Dugsiyada Dhexe iyo Sare ay qaadeyso Somaliland la keeno deegaanada Gobolada Haylaan iyo Sanaag.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa dhammaan Maamulka, Macalimiinta, iyo Mas’uuliyiinta labada Gobol ku wargelisay in la joojiyay Imtixaanaadkaas, isla markaana loo baahan yahay in la fuliyo amarkaas Maanta soo baxay.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa bahda Waxbarashada iyo shacabka kunool Haylaan iyo Sanaag uga mahadcelisay sida wanaagsan ay uga shaqeynayaan horumarinta iyo hirgelinta siyaasadda Waxbarashada ee Maamulka Puntland.