Haweenka Pakistaan oo laga mamnuucay in ay aadaan dukaamada

0

Ka dib dilkii ganacsade Hinduu ah oo lagu dilay aagga deegaanka Vidh ee degmada Khuzdar oo ka tirsan gobalka Balochistan, ee daka Pakistaan waxaa lagu daadiyay halkaa waraaqo kuwaas oo loogu baaqay dadka dukaamada halkaa ku leh inaysan u oggolaan haweenka dukaamadooda.

Waraaqahaan waxaa ku qoran digniin loo jeedinayo ganacsatada, gaar ahaan kuwa dukaanleyda ah ee Hinduuga ah,iyadoo lagu sheegay qoraalka waraaqahaasi in ganacsadihii u oggolaado haweenka inay yimaadaan dukaankiisa, uu dusha saaran doono mas’uuliyadda wixii cawaaqib ah ee ka dhasha arrintaa.

Booliska oo xaqiijiyay waraaqahaan ganacsatada loogu digayo ayaa sheegay in aan la garanayn cidda arrintaan ka dambeeysa.

Waraaqahaan oo u sameysan qaab buug(Book) oo kale ah ayaa waxaa ku qoran macluumaad badan waxaana qaarkood ganacsatada loo dhigay gudaha meheradahooda ganacsi.

Santosh Kumar, oo ah xubin ka ka tirsan golaha deegaanka Vidh ee bulshada Hinduuga ah , ayaa sheegay in dukaamadii ganacsatada bulshada Hinduuga loo xiray sababo la xiriira mudaaharaad looga soo horjeedo dilka ganacsade Hinduu ah.

Ganacastada Muslimiinta ah ayaa sidoo kale dukaamadooda lagu hor daadiyay waraqahaan ay ku qoranyihiin digniinaha iyo macluumaadka kale.

Balse arrinta walaaca dhalisay ayaa ah in bulshada Hinduga ah si gaar ah loogu xusay warqaaha sida buugga u sameysan ee ganacsatada loogu digayo.

Ma jirto cid aan waxyeelo u geysanay, marka maxaa nalagu bartilmaameedsanayaa, “ayuu yiri Santosh Kumar.