Hoggaamiyihii kooxda Boko Xaraam oo geeriyooday

0

Hoggaamiyihii kooxda maleeshiyaadka ee Boko Xaraam, Abuubakar Shekau ayaa is dilay, sida laga soo xigtay cod ay soo duubeen maleeshiyaad Islaami ah oo uu dagaal kala dhexeeyo kooxdaas.

Cod ay heleen wakaaladaha wararka, kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in Abuubakar Shekau uu ku dhintay qarax ismaadin ah oo isagu isku xiray kadib dagaal dhex maray labada kooxood.

Bishii hore ayaa la sheegay in Abuubakar Shekau uu dhintay halka marar badan oo hore la sheegay in uu geeriyooday.

Dowladda Nigeria iyo Boko Xaram toona ma aysan xaqiijin geerida hoggaamiyihii kooxdaas.

Abuubakar Shekau wuxuu awoodda kooxda la wareegay markii uu gacanta booliska ku dhintay ninkii aasaasay ururkaas sanadkii 2009-kii, wuxuu kooxda u horseeday in weeraro dhiig badan uu ku daatay ay ka fuliyaan waqooy bari Nigeria.