Mareykanka Oo Lacag Dul-Dhigay Hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacidda

0

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Barnaamijka  Abaalmarinta Caddaalada ayaa shaacisay inay 7 million oo Dollar siin doonaan ciddii keenta Xog ku saabsan  halka uu ku sugan yahay Hoggaamiyaha Ururka Alqaaciada Maqrib ee Waooyiga  Afrika, Abu Cubaydah Yuusuf Al-Canaabi oo u dhashay dalka Algeria.

Abu Cubaydah Yuusuf Al-Canaabi waxaa xilka Hoggaaminta Alqacidada Waqooyiga Afrika loo doortay sanadkii hore, kadib, markii Hoggaamiyihii ka horeeyey oo lagu magacaabi jirey Abdelmalek Droukdel oo u dhashay dalka Algeria lagu dilay Hawlgal ay Ciiddamo Faransiis ah ka fuliyeen gudaha dalka Mali.

Maraykanka waxay horey Abu Cubaydah Yuusuf Al-Canaabi ugu soo rogeen Cunqabatayno sanadkii 2015-kii.

Sidoo kale, QM waxay Hoggaamiyahaasi ku soo rogeen Cunaqabatayn sanadkii 2016-kii.