Al-Shabaab Oo Sheegtay Inay Dib Ula Wareegtay Degaano Ay Qabsadeen Ciidanka Dowladda

0

Al-shabaab oo warar barahooda dhinaca Internet-ka ku faafisay ayaa waxaa ay ku sheegteen inay dib ula wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhawaan ay qabsadeen Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay saaka la wareegtay gacanta ku heynta deegaanada kala ah Warciise, Qoordheere iyo Wararaxleey oo hoostega degmooyinka Jowhar iyo Raaga-ceelle, waxaana maalmihii lasoo dhaafay halkaas ka dhacay dagaalo xoogan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxaa ay intaas kusii dareen Shabaabka in Ciidankii dowladda ee ku sugnaa deegaanada ay qabsadeen ay isaga baxeen halkaas, isla markaana ay gaareen deegaanka Biyo-cadde oo Saldhig ay ku leeyihiin Ciidanka ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda oo ku aadan wararka sheegaya inay isaga baxeen deegaanada Warciise, Qoordheere iyo Wararaxleey oo ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo maalmo socday, uuna dhacay dagaalkii ugu dambeeyay khamiistii lasoo dhaafay.

Labada dhinac ee dowladda iyo Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay khasaaraha ka dhashay dagaaladii Shabeellaha Dhexe, waxaana dowladda sheegtay in Shabaab dagaalka looga dilay in ka badan 70 xubnood, halka tirro intaas ka badana lagu dhawaacay, hubka lagu qabsaday.

Shabaabka ayaa dhankooda sheegtay in dagaalka ay Ciidanka dowladda uga dileen 23 Askari, ayna ku qabsadeen gaadiid dagaal, waxaana Saraakiil ku geeriyooday dagaalka kamid ahaa Taliyihii Taliyihii ururka 6-aad ee Ciidanka Gorgor Gaashaanle Maxamed C/wahaab Faarax, ayna jiraan Askar dhaawacyo soo gaaray.