Dowladda oo ciidamada Asluubta ka wareejisay waddooyinkii ay joogeen

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii asluubta ka qaaday barahii Kontroolada ee ay ku sugnaayeen, ka dib rasaastii ay is weedaarsadeen ilaalada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh.

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Booliiska lagu wareejiyay bar koontaroolada ay fadhiyeen Ciidankii Asluubta ee ku yaallay agagaarka Dekeda Muqdisho, Wadada hormarta Maxkamadda Gobolka, Xabsiga Dhexe iyo Kawaanka Malayga.

Ciidankii Asluubta ayaa gebi ahaanba laga qaaday goobihii ay horay u joogeen, kaddib markii ay ku lug yeesheen isku dhacyo dhowr ah oo ay u dambeysay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday agagaarka Kawaanka Malayga oo lagu rasaaseeyay kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore Xasan Shiikh.