Xogo hoose oo Muujinaya shirqool loo Maleegayo qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada.

0

Xogo culus oo isa soo taraya afartan iyo sideedii saacadood ee tagay ayaa muujinaya in Faylka Madow ee Farmaajo uu qorsheynayo shirqoollo waa weyn oo dhaca maalmahan.

Sarkaalka ka tirsan NISA ee Cabdullahi Daahir Cabdullahi laguna naaneyso Faylka Madow ee Farmaajo ayaa wararku sheegayaan in uu yahay shaqsiga qorshaha wado, iyadoo la doonayo in ka khaarijiyo madax sare.

Xubno dhanka amniga ka howlgala ayaa bixiyay xogtan, waxaana wararku intaa ku darayaan in Korneel Cabdalla iyo kooxdiisa dabagalka siyaasiyiinta ay Farmaajo kala kulmeen cadaadis ah tilaabo la qaado, hase ahaatee Cabdullahi Dheere ayaa durba dajiyay qorshaha dilka ama khaarijinta ah ee lagu fulinayo madaxda maamul goboleedyada qaarkood.

Dadka ogaalka buuxa u leh Cabdullahi Dheere ama Faylka Madow ee Farmaajo ayaa aaminsan in wax waliha suurta gal yihiin, tii oo hadana xogaha hordhaca ah muujinayaan in wadada dilalka loo marayo uu ugu tala galay sumeyn.

Sarkaalkan ayaa lasheegey in uu safar ugu baxey dalka dibadiisa waxaana wararku sheegayaan in uu ku wajahanyahay Dalka Ruushka, ujeedka safarkiisa ayaa lagu sheegey in uu doonay sunta loo adeegsado madaxda ee sirdiinka dalkaasi adeegsadaan.

Korneelka oo CIA-da Maraykanka u qaabilsanaan jiray duqeymaha lala eegto Shabaab ayaa si hoose u fuliya howgallo halis ah, oo qorshahan socda uu kamid yahay. Waxaa la aamisan yahay in Cabdullahi Dheere uu horay u geystay dilal qorsheysan oo sumeyn iyo wadooyin kale uu u maray.