Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Ka Hadlay Geerida Ku Timid Abwaan Sooraan

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Magaalada Burco.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu sheegay in Marxuum Sooraan Ismaaciil uu kamid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan..

Rooble ayaa tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Allaha u naxariitee Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule, wuxuuna Alle uga baryay inuu Jannadii Firdows ka waraabiyo, samir iyo iimaana kasiiyo bulshada Soomaaliyeed.

“Sooraan waxa uu ka mid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan.. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Abwaan Sooraan ayaa waxaa uu caan ku ahaa sheekooyin ay inta badan isla soo jili jireen Abwaan Jawaan oo ay saaxiibo ahaayeen, waxaana la xaqiijiyay inuu u geeriyooday Cudurka halista ah ee COVID-19 oo maalmihii lasoo dhaafay uu la xanuunsanayay.