RW Rooble Oo War Kasoo Saaray Geerida Taliye Ku-Xigeenkii Booliska G/Banaadir

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geerida Taliye ku-xigeenkii guud ee qeybta Booliska Gobolka Banaadir oo xalay u geeriyooday dhaawacii  kasoo gaaray Qaraxii lagu weeraray Saldhiga Booliska Waaberi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tacsi u diray qoyskiisii iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu ka baxay Col: Axmed Cabdi (Waaweyne) oo ahaa Taliye ku-xigeenkii qeybta guud ee Booliska Gobolka.

Taliye Axmed Waaweyne ayaa maalmihii lasoo dhaafay xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, hayeeshee xalay ayaa la xaqiijiyay inuu Taliye ku-xigeenka u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee lagu weeraray Saldhiga Booliska Waaberi ayaa waxaa lagu dilay Taliyihii Booliska degmadaas Axmed Cabdullaahi Baashane, Taliye ku-xigeenkii qeybta weliyow Cadde G/Dhexe Cabdi Baasid Maxamuud, Askar Boolis iyo dad shacab ahaa.

Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in Aas Qaran loogu sameeyo qabuuro ku yaalla Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka qeyb geli doonaan Aaskiisa Taliyeyaal ka tirsan Ciidamada Booliska iyo Milateriga, Mas’uuliyiin, Ehel iyo dadweyne kale.