Shiinaha Oo Balan Qaad Cusub U Sameeyay Dowladda Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulan looga hadlayey xoojinta xariirka labada  dalka ee Soomaaliya iyo shiinaha la yeeshay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian.

Wasiirka Cadaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Safiirka ugu warbixiyey xaaladdii ugu dambeeyey ee dalka gaar ahaan hey’addaha garsoorka  Soomaaliya iyo sidii dowladda shiinaha ugu qeyb qaaden laheyd horumarinta hey’addaha Cadaaladda iyo garsoorka dalka.

Safiirka dowladda shiinaha u jooga Soomaaliya Qin Jian, ayaa bogaadiyey dadaalada lagu adkeynayo dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan hey’addaha garsoorka iyo cadaaladda dalka.

Sidoo kale waxaa uu Safiirka balan qaaday in dowladda Shiinahu ay qeyb ka qaadan doonto dhismaha iyo qalabeynta Maxkamadda, hey’addaha garsoorka, tababar siinta shaqaalaha wasaaradda cadaaladda iyo garsoorayaasha ka howlgala xarumaha cadaaladda ee dalka.