Qatar oo war ka soo saartay wadahadalkii Farmaajo iyo Amiir Tamiim bin Xamad

0

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani ayaa sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Qatar ee QNA.

Labada hoggaamiye ka wadahadleen xiriirka labada waddan iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyo weliba dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu yiri, “Wadahadalkan waxuu ku saabsanaa xiriirka labada dal iyo sida loo xoojin karo, loona sii wadi karo”, ayaa lagu yiri warbixinta lagu daabacay Qatar News Agency.

“Waxaa intaa dheer, arrimaha siyaasadeed ee dhowaan ka soo kordhay Soomaaliya iyo muhiimada ay leedahay in lagu guuleysto dib u heshiisiin qaran si loo garto xasilinta dalka” ayey ku sii dartay warbixintu.

Warbixinta qoraalka ah ee dowladda Qatar waxaa lagu sheegay in farriinta Amiirka loo sii dhiibay Ergeyga gaarka ah ee Mutlaq Al-Qaxtani, oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay magaalada Muqdisho.

“Waxuu warqadda ku wareejiyay madaxweynaha Soomaaliya, markii uu kula kulmay Muqdisho”, ayaa lagu sheegay qoraalka Qatar.