Farmaajo Iyo Amiirka Qatar Oo Qadka Telefoonka Wadahadal Ku Yeeshay

0

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Caawa wadahadal dhinaca qadka teleefoonka kula yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan labada dhinac.

Sidoo kale inta uu socday kulanka qadka teleefoonka Farmaajo iyo Sheekh Tamiim Bin Xamad ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Cakiran ee dalka, marxalada kala guurka iyo khilaafka ka taagan doorashada ka dhaceysa Soomaaliya.

Wadahadalka Madaxweynaha iyo Amiirka Dowladda Qatar ayaa ku aadaya, iyada uu Magaalada Muqdisho ku sugan yahay Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani oo Caasimadda ka wada kulmo siyaasadeed.

Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa kulan la qaatay Madaxda dowladda Federaalka, Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, isagoona dhammaantood kala hadlay xaaladda Cakiran ee dalka iyo Arrimaha doorashada.

Dowladda Qatar ayaa dooneysa inay Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta Soomaalida u muujiso in aysan taageero u heyn Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, loona arko inay dhex dhexaad tahay