AKHRISO:-Magacyada Guddi Loo Magacaabay Xalinta Khalalaasihii Ka Dhacay Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roobe ayaa magacaabay Guddi Farsamo oo ka soo tala bixiya xal ka gaarista khalalaasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka 11-xubnood, kuwaasi oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo ka kala socda Xukuumadda iyo Mucaaradka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roobe ayaa faray Guddigan ka kala socda Dowladda iyo Mucaaradkaa inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Guddiga la magacaabay ayaa kasoo tala bixinaya xal ka gaarista khalalaasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Milateriga ee kasoo horjeeday muddo kordhintii lasoo sameeyay.