RW Rooble Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Ergayga Cusub Ee Qatar

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee  wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka waxa ay ugu yaraan argagixisada.

Dr. Mutlaq Al-Qahtani oo shalay soo gaaray Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Mxamed Xuseen Rooble ayaa  Waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha  doorashooyinka dalka.

Dowladda Qatar ayaa dooneysa inay Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta Soomaalida u muujiso in aysan taageero u heyn Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, loona arko inay dhex dhexaad tahay.