Taliska booliska oo war ka soo saaray baaritaanka kiiska carruurtii lagu dilay Baydhaba

0

Taliska ciidanka booliska ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta war ka soo saaray baaritaankii ku socday dad loo heysto dilkii laba carruur ah oo walaalo ahaa bishii hore loogu geystay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Bay G/Sare Amiin Maxamed Cusmaan oo hadal ka jeediyey kulan ay maanta laamaha ammaanka K/Galbeed ka yeesheen kiiskaas ayaa ka sheekeeyey, sidii uu u dhacay dilka carruurtaas iyo heerarka uu maray baritaankii ay ku hayeen dadka lagu tuhmay.

7-dii bishii dhamaatay ee Abriil ayaa meydadka carrurtaas oo ahaa wiil iyo gabar walaalo ahaa waxaa laga helay duledka magaalada Baydhaba, intaas kadibna baaritaan ay bilaabeen hey’adaha ammaanka waxaa lagu soo qabtay ilaa lix qof oo lagu tuhmay falkaas.

Taliyaha ayaa sheegay maanta in hal qof oo ka mid ah lixdaas ruux uu ku cadaaday dilka caruurtaas, isla markaana natiijada baritaanka kiiska carruurtaas ay u gudbinayaan maxkamadda awooda u leh inay qaado.