Mareykanka oo war ka soo saaray go’aanka ay gaareen Golaha shacabka iyo madaxweyne Farmaajo

0

Qoraal ay barta twitter-ka soo dhigtay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayey ku soo dhoweysay go’aannadii madaxweynaha iyo Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweyneynaa ficillada maanta ay qaadeen madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka.”

Waxay sidoo kale soo dhoweysay doorka ra’iisal wasaare Rooble uu ku hirgelinayo doorashada Soomaaliya.

“Waxaan sidoo kale soo dhawaynaynaa doorka ra’iisal wasaare Rooble uu ku leedahay hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, oo ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto.”