Madaweyne Farmaajo Oo Maanta Hortegaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxaa la filayaa in kulan aan caadi aheyn ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay khudbad uu jeedinayo Madaxweyaha JFS, isagoona uga hadlaya xaaladda siyaasadeed ee Cakiran iyo dhacooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Xildhibaanada ka codsanaya inay dib uga laabatan Go’aankii muddo kordhinta labada sanno ay u sameeyeen isaga iyo hay’addaha dowladda 12-kii April 2021, kaasi oo sababay in Caasimadda uu ka dhaco dagaal.

Muddo kororsiga Farmaajo ayaa waxaa siweyn uga horjeestay Beesha Caalamka, Madaxda dowlad Goboleedyada, Midowga Musharaxiinta, Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan Bulshada, iyagoona ku tilmaamay Go’aankaas mid sharci darro ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa goorsii horeysay iyo xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulan gaar ah oo uu dalbaday Madaxweynaha, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galan kulankaas oo siweyn loo wada sugayo.