CXD Oo Sheegay In Ay Bur-Buriyeen Goobo Al-Shabaab Ku Diyaarin Jireen Qaraxyo

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen  deegaannada Mubaarak, Daarusalaam, iyo Isoo-mareey oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose waxaa sheegeen in ay ku bur buriyeen goobo Al-shabaab ay ku diyaari jireen qaraxyada.

Howlgalkaan ayaa waxaa fuliyay ururka 3-aad guutada 17-aad kumaandooska Xoogga ee gaar ahaan kuwa Gor-gor waxaana sidoo kale hogaaminyay G/le Suulnuuge Taliyaha Ururka 3-aad guutada 17-aad kumaandooska Xoogga ee Gor-gor  iyo Cabdulaaha Mustaf Cali Madaale Qaran.

Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay inay bur buriyeen goobo badan oo ay Al-shabaab si dhuumaleysi ah uga farsamey jireen qaraxyada waa sida hadalka ay u dhigeene.

Saraakiishu waxaa ay intaas ku dareen Muhiimada howlgalka uu ahaa sidii Al-shabaab looga saari lahaa Degaanada hoostaga Degmada Awdhegle ee Gobalka Sh/hoose, waxaana sidaas warbaahinta u sheeegay Taliyaha ururka 3-aad guutada 17-aad ee kumaandooska ciidamada Gor Gor.