Shariif Sheikh Axmed Ka Digay Dagaal Baaqna U Diray Golaha Shacabka

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaa arrimaha muranku ka taagan yahay ee doorashooyinka iyo khilaafka xooggan ee ka dhex-taagan dhinacyada isku haya doorashada.

Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay qalalaasihii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ee u dhexeeyay Ciidankii millateriga ahaa ee taaabacsanaa mucaaradka iyo Ciidanka Dowladda Federaalka, waxaana uu tilmaamay in arrintaasi ay tahay mid si weyn looga xumaado, ayna tahay xiligaan mid aan loo baahnayn in dalka uu ka dhaco dagaal.

Waxaa uu soodhaweeyay go’aankii ay qateen Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Hir-shabeelle ee ay kaga hor-yimaadeen muddo koror siga Farmaajo, kaasi oo horay ay u taageereen Ra’iisul wasaare Rooble iyo inta badan dhinacyada isku haysta doorashada.

Sidoo kale Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa uu baaq u diray Xildhibaanada Golaha shacabka oo maalinimada sabtiga ah uu hortagi doono Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu ugu baaaqay in mar dambe aysan qaadin tallaabo qaldan taasi oo dhibaato hor leh abuuri karta, isagoo carrabka ku dhuftay in tallaabadii hore ee ay qaadeen ay dalka qal-qal galisay.