Qarax ka dhacay Xerada Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

0

Qarax loo adeegsaday baabuur lagu soo raray walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay albaabka hore ee Xerada Asluubta oo u dhaw Ex Control Afgooye iyadoo qaraxuna uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal katirsan Dowladda gaar ahaan Taliska Asluubta ayaa sheegay in gaariga qarxa uu ku dhacay darbiga xarunta Asluubta, waxyeelada ka dhalatayna ay gaartay dad shacab ah oo goobta ka dhawaa.

Sidoo kale sarkaalka ayaa sheegay in ujeedka qaraxa uu ahaa in gaariga uu gudaha u gala xerada ciidamada Asluubta balse uu soo dhaafi waayay darbiga oo aad u adkaa awgeed.

Ma jirto faah faahin intaasi ka badan oo ka soo baxday taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo madaxda dowladda.