DF Soomaaliya oo qoraal digniin ah u dirtay Golaha Ammaanka ee QM

0

Qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya u dirtay Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xilka ka degaysa Linda Thomas-Greenfield, taas oo jawaab u ah hadal ay March 31 ay Golaha ka hor jeedisay.

Warqadda waxaa lagu xusay in Soomaaliya ay wajahayso caqabado doorasho, balse lagu rajo weyn yahay in laga gudbo, ayadoo loo marayo wadahadal, sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in amniga doorashada dalka uu mas’uul ka yahay guddiga amniga Qaranka doorashooyinka, kaas oo uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Rooble.

“Iyadoo tixraaceysa hadalladii ay 31-kii March jeedisay madaxweynaha xilka kasii degaya ee Golaha Ammaanka Mrs. Linda Thomas-Greenfield, dowladda federaalka Soomaaliya waxay qadarin iyo mahad-celin u muujineysaa fikradaha lasoo jeediyey, taageerada fog ee xubnaha Golaha Ammaanka ee horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya iyo qadarintooda ku aadan madax-banaanida, sharafta dhuleed, midnimada iyo madax-banaanida siyaasadeed ee Soomaaliya. Doorashooyinka qaranka Soomaaliya, si la mid ah dal kasta oo madax-banaan waa arrin qaran, oo ay maamulaan islamarkaana go’aan ka gaaraan hay’adaha qaranka, sida uu qabo Xeerka No.30 ee uu meel mariyey baarlamanka,” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda federaalkaa ee Soomaaliya waxay u aragtaa faro-gelin kasta oo jilayaal dibedda ah ku sameeyaan hanaanka doorashooyinka qaranka inay tahay faro-gelin toos ah oo lagu sameynayo arrimaheena gudaha, taasi oo jebineysa qaraarada Golaha Ammaanka, xeerarka caalamiga ah.”