Soomaaliya Oo Dowlad Ka Codsatay Taageero Dhinaca Baarista Shidaalka

0

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga ee Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed C/risaaq Maxamuud Abubakar ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Telefishinka Extra News Channel ee laga leeyahay dalka Masar.

“Waxaan raadinaynaa Sahminta Shidaal badan, waxaana u baahanahay Taageeradda Masar” ayuu yiri Wasiirka oo labadii Isbuuc ee la soo dhaafay ku sugnaa Caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Mar wax laga weydiiyey ujeedada socdaalka uu ku joogay Masar waxa uu xaqiijiyey in ujeedada socdaalkiisa ku qotomo sidii Xiriirada Somalia iyo Masar loogu soo celin lahaa Dhabahooda saxda ah iyo in la ballaariyo Iskaashiga iyo Danaha labada Waddan ee walaalaha ah.

Wasiirku waxa uu Wareysigiisa ku faahfaahiyey inay Somalia doonayso sahminta Shidaal aad u badan, isla markaana ay doonayaan Taageeradda Dowladda Masar ee arrimaha Sahanka Shidaalka dhex ceegaaga geyiga Somalia.

“Somalia waxay sida ugu dhaqsaha badan u shaacin doonaan Ceel badan oo Shidaalka iyo Gaaska, waxaana qirayaa inuu jiro Xiriiro Taariikhi ah oo u dhexeeya Somalia iyo Masar” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, Maxamed C/risaaq Maxamuud Abubakar.

Dhinaca kale, Wareysiga uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia siiyey Telefishinka Extra News Channel  ayaa waxaa kaloo oo uu muujiyey inuu doonayo in ay labada Dowladood dhiiri-geliyaan Ganacsatada, si loo horumariyo Xiriirada Ganacsi ee labada dal u dhexeeya.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Federalka rumeysan tahay in la joogo Xilligii Saxda ahaa ee dib-u-eegis loogu samayn karo Heshiisyada Khaaska ee u dhexeeya labada Waddan, sida Iskaashiga Dhaqaalaha.