Soomaaliya iyo Ingriiska oo ka wada hadlay sugida Amiga doorashooyinka

0

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Sareeyo gaas Cabdi Xasan Xijaar, iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wadahadlay sugidda amniga doorashooyinka oo ciidanka booliiska lafdhabar u yihiin nabadgeliyadda wadanka iyo xoojinta taageerada UK ay siiso booliiska.

Labada mas’uul ayaa kulan ku yeeshay xarunta safaaradda UK ee magaalada Muqdisho, danjiraha ayaa bogaadisay shaqada adag ee ay hayaan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliyaha booliiska ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan ciidanka booliiska.

Dowladda UK ayaa kamid ah dalalka taageerada dhismaha dowladnimada Soomaaliya oo ay ku jiraan hey’adaha nabadgeliyada oo booliisku ugu horeeyo.