DHAGEYSO:-Hogaamiyaha Puntland“Shirka Berri Furmayo Ilaa Hadda Wax Rasmi Ah Oo Aan Ka Ognahay Ma Jirto”

0

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillahi Deni oo waraysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in aanay war u heyn shirka berito la sheegay inuu ka furmayo teendho ku taalla garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa ku adkeystay in khilaafka doorashada ka taagan ka hor laga hadlo arinta ciidamada oo uu sheegay inay si gaara u isticmaalayaan madaxda Dawladda Federaalka, wuxuuna ku eedeeyay in xalay illaa saaka ay ciidamo dheeraada soo dhoobeen aagga uu ku yaalo garoonka Aden Cadde oo ay iyagu dagan yihiin.

“Shirka berri furmayo ilaa hadda wax rasmi oo aan ognahay oo hadda u fadhino ma jirto, balse waxaa taas ka sii daran, maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay Ammisom tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma’da.” Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxeyne Dani ayaa horay cabasho uga muujiyay ciidamada dowladda gaar ahaan Haramcad iyo Gorgor, kuwaasi oo ku tilmaamay in ay khatar dhanka amniga ah u horseedeen dalka.