Madaxweyne Putin oo mar kale lagu eedeeyay inuu ‘faro-geliyay’ doorashadii Mareykanka

0

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayay u badan tahay inuu oggolaaday isku day uu dalkiisa ku faragelinayay doorashadii Maraykanka ka dhacday sanadkii hore, si uu ugu guulaysto Donald Trump, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka.

Moscow ayaa faafisay “eedeymo marin habaabin ah” oo ka dhan ah Joe Biden oo doorashada uga guulaystay madaxweynihii xilka hayay, sida lagu sheegay warbixinta Maraykanka.

Sirdoonka ayaa sheegay in aysan jirin dowlad shisheeye oo ay u suuragashay inay wax ka bedasho natiijada kama dambeysta ah ee doorashadaas.

Ruushka ayaa marar badan beeniyay inuu faragelin ku sameeyay doorashada Maraykanka.

Warbixinta oo ka kooban 15 bog, uuna Talaadadii shaaciyay xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaran, ayaa ka hadashay wax ay ku tilmaantay “hawlgallo faragelin ah” oo ay dabada ka riixayeen Ruushka iyo Iran.

Waxa ay sheegtay in shakhsiyaad xiriir la leh Ruushka ay faafiyeen eedeymo aan caddeyn loo hayn oo ka dhan ah Madaxweyne Biden ka hor doorashadii dhacday horraantii November. Ololahaas dacaayadda ah ayay warbixintu sheegtay in looga dan lahaa in lagu wiiqo kalsoonida lagu qabo hannaanka doorashada.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dad xiriir la leh sirdoonka Ruushka ay warbaahinta, mas’uuliyeen sare iyo xulafada Trump u gudbiyeen aragti ka dhan ah Biden.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Trump uga guulaystay doorashadaas, waxaana xilka madaxtinnimada loo dhaariyay 20-kii January.