Tirada Laga Helay Cudurka COVID-19 Ee Soomaaliya Oo Sare Kacday

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan-geliyay 191 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu caddeeyay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 144 qof, Somaliland 31 iyo Jubbaland 16 qof, waxaana 112 kamid ah dadka bukaanada ay yihiin rag, halka 79  kalena  ay dumar yihiin.

Wasaaradda ayaa xaqijisay in Cudurka halista ah ee COVID-19 ay saacadihii lasoo dhaafay Gobolka Banaadir ugu dhinteen 18 qof, halka Somalilandna ay ugu geeriyoodeen laba ruux oo kamid ahaa dadkii qabay Cudurka.

Sidoo Warbixinta maalinlaha ah ee xogta Cudurka ayaa waxaa lagu sheegay in 31 ruux oo kamid ahaa dadkii horey ugu dhacay ay ka bogsadeen, waxaana Tirada dadka ka bogsaday Cudurka ay gaareen 3,932.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 8,041 qof, isla markaana waxaa guud ahaan dalka ugu dhintay Cudurka COVID-19 294, iyadoo Cudurka uu u muuqdo mid si weyn ugu faafaya Magaalada Muqdisho.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka ee xilka sii-heysa waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka, si looga hortego faafida Cudurka.