Dowladda Soomaaliya Oo Soo Saartay Amaro Looga Hortegayo Cudurka COVID-19

0

Shir ay isugu yimaaddeen Wasiirada Wasaaradaha qaabilsan ka hortagga iyo xakamaynta cudurka COVID19 oo uu shir guddoomiyey Raisal Wasaaraha JFS Maxamed Xuseen Rooble  Warbixin dhammaystiranna lagaga dhegeystay bahda caafimaadka oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Caafimaadka Foosiya Abiikar Nuur iyo khabiirka caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Maxamuud Fuje oo xaqiijiyey in cudurkii COVID-19 oo si xowli ah ugu fidiyo bulshada.

Sidoo kalena ay tixgeliyeen baaqyada isdaba joogga ah ee ka soo baxaya qaybaha kala duwan ee Bulshada sida culuma u diinka, ganacsatada, bahda Waxbarashada, aqoon yahanka, indheer garadka, haweenka iyo dhallinyarada, Isla markaana ay la tashadeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka  Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo;

Waxa ay xukuumaddu soo saartay amaradan:

1- In la fasaxay shaqaalihii Rayidka ahaa ee dalka marka laga reebo shaqaalaha mahuraanka ah ee aan laga maarmi karin illaa amar dambe.

2- In gebi ahaanba la’ joojiyey isu imaatinada iyo isu ururka bulshada.

3- In ay waajib tahay in dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmi karin ay qaataan Afsaar ama Mask

4- In la joogteeyo kala fogaanta masaafo aan ka yarayn Hal mitir illaa laba mitir

5- In la yareeyo isu socodka gobolada iyo safarada laga maarmi karo

6- In masaajidada oo ah goobo cibaado bulshaduna si joogto ah isugu timaaddo lagu dedaalo kala fogaan, af dabool iyo nadaafadda oo kor loo sii qaado.

7- In Ciidamada amnigu ay u xilsaaran yihiin dhaqan gelinta go’aamadan.

8- Goobaha Waxbarashada, gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ciyaaraha waxa loo xakamayn doonaa si gaar ah.

Adna isu nax, dadkaana u nax

Ilaahay ha inaga badbaadiyo cudurkan kala qaaday ehelkii adduunka isugu jeclaa