Meydadka seddax haween ah oo lasoo dhigay xaafad ka tirsan Deyniile

0

Wararka Idacaadda Kulmiye ay ka heleyso degmada Deyniile ee gobolka Banaadir waxay sheegaayaan in saakay lagu arkay meydadka seddax qof oo dumar ah.

Meydadka haweenkan waxaa jirkooda ku yaalla rasaas si xun loogu dilay.

Si gaar ah meydadka goobta lagu arkay ayaa ah waaxda Kordamac, gaar ahaan agagaarka War-laliska.

Dadka deegaanka ayaa  sheegay in weli aan la aqoonsan meydadka haweenkaas, welina wax war ah kama soo bixin laamaha ammaanka degmada Deyniile.

Falkan oo dadka deegaanka ay aad uga argagaxeen ayaa ku soo aadaya, iyadoo sidaan oo kale habeen hore deegaanka Siinkadheer loo soo dhigay meydadka afar qof oo rasaas madaxa lagala dhacay.

Illaa hadda lama garanayo cidda dishay dadkaas shacabka ah, ee xalay iyo habeen hore meydadkooda lasoo dhigay Deyniile iyo deegaanka Siinkadheer.