Musharaxiinta Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Geeridii Jeneraal Galaal

0

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarka gelinkii dambe ee shalay Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Afrik ee ku yaalla Jidka aada Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, C/raxmaan C/Shakuur Warsame iyo Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre oo Qoraal soo kala saaray ayaa tacsi ugu diray dadkii ku geeriyooday weerarka hotelka oo uu kamid ahaa Jeneraal Maxamed Nuur Galaal iyo Saraakiil kale.

Musharaxiinta ayaa sheegay in Jen. Maxamed Galaal uu kamid ahaa saraakiishii ugu aqoonta, tababarka iyo darajo sareysay ee hogaamin jirtay ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoona kamid ahaa Saraakiishii ka qeyb qaadatay dagaalkii 1977-kii ee dowladii Soomaaliya ka gashay Itoobiya.

“Galaal wuxuu kaalin mug leh ka qaatay dagaalkii Alshabab looga xoreeyey Gobollada Dhexe. Maadaama dowladda muddo xileedkeedu idlaanayo ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay hagratay dagaalka Al-shabaab, islamarkaana si isku mid ah u cadawsatay argagixisada iyo inta iyaga ka aragtida duwan, waxaa lumay kalsoonidii, waxaana abuurmay shaki, cabsi, walwal iyo caro dhalisay in aan la kala sooci karin ficilka argagixisada iyo falka shirqoolka siyaasadeed” ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Inta la xaqiijiyay 9 qof oo isugu jiray raggii weerarka ku qaaday Hotelka Afrik ayaa ku geeriyooday weerarka, halka dad kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, waxaana Mas’uuliyada weerarka sheegtay Al-shaabab, wuxuuna socda in badan 6 saacadood oo xiriir ah, wallow markii dambe lasoo afjaray.