Mareykanka Oo Digniin La Xiriirta Doorashada U Diray Madaxda DFS Iyo Musharaxiinta

0

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta Soomaalida inay wadajir uga heshiiyaan doorashada soo socota, ee weli uu muranka ka taagan yahay.

Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donold Yamamoto ayaa uga digay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab socda, ama doorashooyin hal dhinac ah.

sidoo kale waxaa uu ka diga gacan ka hadal, qoraal uu so dhigay bartiisa Twiter ka ayuu sheegay in aan marnaba la aqbali karin doorasho hal dhina ah, waxaan uu farriin u diray Musharixiinta mucaaradka ah iyo Mas’uulyiinta Dowladda Federaalka “Ma aqbaleyno doorasho hal dhinac ah, ma aqbaleyno doorasho isbabar socoto mana aqbaleyno dagaal” ayuu yii Safiirka Mareykanka  ee Soomaaliya.

Safaaradda ayaa sheegtay inay kulamo kala duwan la yeelatay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadda oo ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaahsii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shekeh Aadan iyo siyaasiyiin kale.

Dawladda federaalka, maamul goboleedyada qaarkood iyo musharrixiinta mucaaradka ayaa isku khilaafsan guddiyada doorashada federaalka, kan Somaliland iyo weliba sida doorashadu uga dhacayso gobolka Gedo.