Gen. Xuud oo shaaciyey mowqifkiisa maamulka cusub ee HirShabeelle

0

Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa sheegay in loo baahanyahayin dhismaha maamulka HirShabeelle laga soo bilaabo hoos, isla markaana haatan uusan ka jirin HirShabelle wax maamul ah.

Jeneraal Xuud ayaa tilmaamay in maamulka loo sameeyay HirShabeelle uu yahay gacan ku sameys, sidaa darteedna uusan ka shaqeyneyn magaalada Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Intaas waxa uu raaciyay hadalkiisa in wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar kulankii ay la qaateen uu ku dhammaaday natiijo la’aan ayna ka waayeen xushmad.

Jeneraal Xuud oo la weydiiyay xal u helidda mashaqada ka taagan gobolka Hiiraan inuu u tagayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in marnaba isagoo wax tabanaya uusan tegeyn Xamar, taas bedelkeedna ay tahay in Farmaajo ugu yimaado geedka hoostiisa si ay uga wada xaajoodaan khilaafka jira oo sida uu sheegay ay masuul ka tahay dowladda federaalka.