Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Garowe kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magaalada Garowe kula kulmay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Kulanka dhexmaray Guddoomiye Mursal iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee muranku ka taagan yahay iyo weli arrimaha gobolka Gedo.

Madaxweye Axmed Madoobe ayaa u sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal in muhiim ay tahay in dowladda ay fuliso dalabkii Jubbaland ee ahaa in gobolka Gedo laga saaro Ciidanka dowladda, si ay doorashada uga dhacdo.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Guddoomiyeyaasha labada Aqal ayaa Magaalada Garoowe uga qeyb galaya Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo markii ugu horreeyay lagu qabanayo Soomaaliya.

Magaalada Garowe ayaa waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka soconayay kulano gaar gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda ka qeybgalaysa shirka Madasha Aragti Wadaagga,