Kenya Oo Heshay Meydka Guddoomiye Degaan Ay Afduubten Al-Shabaab

0

Booliska dowladda Kenya ayaa ka hadlay Guddoomiyihii deegaanka Gumarey oo dhawaan ay afduunteen Al-shabaab, kadib markii halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka Kenya iyo rag ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Booliska Keyna ee Gobolka Wajeer ayaa sheegay inay heleen Meydka Guddoomiyihii deegaanka Gumarey Cumar Aadan Buul oo jimcihii lasoo dhaafay lagu afduubtay weerar lagu soo qaaday Saldhiga deegaanka uu Guddoomiyaha ka ahaa.

Dad xoolo dhaqato ayaa markii horey Meydka ku  arkay deegaan lagu magacaabo Khorof Harar Konton, kadibna ay kusoo wargeliyeen Booliska Gobolka, sidaasina lagu soo qaaday Meydka Cumar Aadan.

Booliska Kenya ayaa sheegay in Guddoomiye Cumar Aadan Buul lagu gowracay meel ka baxsaday deegaanka Gumarey, isla markaana  Meydkiisa kaliya lasoo dhigay deegaanka Khorof Harar Kontonlaguna aasi doono isbitaalka meydadka ee Wajeer.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa maalmo kahor weerar qorsheysan ku qaaday Saldhig Ciidanka Booliska Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Gumarey, iyagoona gacanta ku dhigay Guddoomiyihii deegaankaas ee Kenya.