DAAWO:-Gen. Indha-Cadde Oo Shaaciyay Cidda Laga Difaacayo Musharaxiinta Madaxweynaha

0

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa ka hadlay cida laga difaacayo Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii dhawaan loo magacaabay Taliyaha Ilaalada Ciidanka amniga Musharaxiinta.

Indha-cadde oo wareysi dhinacyo badan taabanaya Bixiyay ayaa waxaa uu sheegay in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha laga difaacayo cidii leyday Askartoodii oo guryahooda ugu dhacday mid kamid ah Musharaxiinta xiligaan.

Waxaa uu sheegay Indha-cadde in cidda sida rasmiga looga difaacayo ay tahay dowladda Federaalka Soomaaliya oo xiligaan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo, maadaama la isku haayo arrimo la xiriira Doorashada dalka ka dhaceysa 2020/21.