Dib u dhac ku yimid Doorashada Aqalka Sare

0

Dib u dhac  ayaa  markale waxaa uu ku yimid doorashada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya waxaana muuqata guud ahaan doorashada Soomaaliya in  ay dib u dhacday.

Jadwalka doorashada ayaa qeexaya in 1-ilaa 10-December la qabto doorashada aqalka sare,balse wali ma muuqato hirgalinta Jadwalka doorashada.

Marka laga reebo Guddiyo doorasho oo dowladda ay tababar u furtay majiraan talaabo kale oo loo qaaday dhanka doorashada,inkastoo guddiyaasi uu  khilaaf xoogan hareeyay.

Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku dheggan magacaabista Guddiyada dhankooda ah waxaana beesha Caalamku waddaa dib u heshiisiin Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Tani waxaa laga-yaaba inay rumeyso shakikii laga qabay doorashada waqtigeeda inay ka dib mari karto,iyadoo marka loo sababeynayo arrimo farsamo ilaa iyo hadana lama oga xilliga rasmiga ee la soo bandhigayo Xildhibaannada aqalka sare,lamana saadalin karo dib u dhaca ku yimida guud ahaan  doorashada Soomaaliya.