Musharaxiinta Oo Walaac Ka Muujiyay Qorshe Ay Wado Dowladda Federaalka

0

Golaha Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa War kasoo saaray tallaabooyin Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku bixiso ruqsadaha Baarista Shidaalka dalka.

Qoraal kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa walaac looga muujiyay isku dayga Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ku bixineyso ruqsadaha baarista Shidaalka, iyagooo ku tilmaamay tallaabadaas boob hanti qaran, xili lagu jiro marxalad Doorasho oo kala guur ah.

Musharaxiinta ayaa sheegay in tallaabadan ay lid ku tahay nidaamka dowlad-wanaagga iyo Mas’uuliyada Qarannimo, iyadoo sidoo kalena dhaawaceysa dadaalkii iyo heshiiskii geedi socodka deyn Cafinta dowladda Somalia kula jirto Hay’adda lacgata Adduunka.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu ka waantoobo ku takrifalka musuq-maasuqa hantida Qaranka, isla markaana si deg deg ah u joojiyo ruqsad bixinta baarista Shidaalka dalka.

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Batroolka Xukuumadd Federaalka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga, iyadoo bilaabayo bixinta ruqsadaha shidaal baarista goobaha horay looga cayimay deegaanada Galmudug.