XOG:- Jabhadda TPLF oo gurmad iyo taageero soo weeydiisatay Maamul Goboleedyo, Madaxweyneyaal hore, Wasiiro, Senatarro iyo Xildhibaano Soomaali ah.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Jabahadda TPLF ay taageero dhaqaale iyo mid siyaasaddeedba soo weeydiisteen qaar kamid ah Maamul Goboleedyada, Madaxweyneyaal hore, Wasiiro, Senatarro iyo Xildhibaano Soomaali ah.

Jabhadda TPLF ayaa xiriir wanaagsan iyo wada shaqeeyn soo jireen ah ay kala dhaxeeyaan maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, sidoo kale Jabhadda TPLF ayaa xiriir iyo wada shaqeey kaa la mid ah waxa uu kala dhexeeyaa Madaxweyneyaal hore, Wasiiro, Senatarro iyo Xildhibaano Soomaali ah.

Xiriirka Jabhadda TPLF ee ka dagaalanta Itoobiya ay la leedahay qaar kamid Maamul Goboleedyada, Madaxweyneyaashi hore, Wasiiro, Senatarro iyo Xildhibaano Soomaali ah ayaa maanta sababay in uu xilkiisi ku waayo Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka hore ee Arrimaha Dibedda Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad ayaa maanta waxaa laga qaaday xilkii Wasiirnimo ee uu ka hayay DFS, kadib markii uusoo saaray laba qoraal oo is burinaya oo ay labaduba waxba kala ogeeyn Dowladda Federaalka Soomaaliya. hoos ka akhriso


Ilo wareedyadeena ayaa waxa ay sheegeen in qoraalka hore ee uu soo saaray Wasiirkii hore Wasaarada Arrimaha Dibedda Axmed Ciise Cawad in maalmihii lasoo dhaafay ay cadaadis xoogan ku saarayeen soo saarida qoraalkaas, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Senator Juriile oo intaba xiriir wanaagsan iyo wada shaqeeyn soo jireen ah la leh jabhada TPLF ee ka dagaalameeysa Itoobiya.

Dhnak kale shabakada ololaha gurmadka iyo taageerada siyaasaddeed loogu muujinayo jabhada TPLF ayaa daafaha aduunka waxaa ka wada Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda, hadana ah Agasimaha Guud ee Hay’adda Cafimaadka Aduunka (WHO) Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, halka gudaha Soomaaliyana ay ololhaas ka wadaaan ama horboodayaan Madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Saciid Deni, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Senator Juriile.

Isku soo wada duuboo waxaa teer iyo shalay soo shaac baxayay in jabhada TPLF ay qaylo dhaan u dirsadeen dhamaan saaxiibadii ay ku lahaayeen daafaha aduunka, ololahaas oo uu waday Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, ololaha Dr. Tedros Adhanom ayaa intiisi badnaa waxa uu muuqdaa mid fashilmay, kadib markii saaxiibadii hore ee TPLF ay intoodii badnaa xiriir la sameeyeen dowladda Itoobiya una sheegeen in uu lasoo xiriiray Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus oo TPLF u doonaya taageero. Halkan Guji oo ka Akhriso ololaha Dr Tedros Adhanom.

Wixii Warkan Kasoo Kordha Kala Soco Allgalgaduud Media