Guddoomiyaha Cusub Ee Barlamaanka Hirshabeelle Oo La Doortay

0

Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabeelle ayaa shaaciyay in Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Daahir, uu ku guuleestay doorashadii guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle.

Cabdixakiin Luqmaan, ayaa helay codad gaaraya 77 cod, halka Xildhibaan Goodir oo la tartamayay uu helay 21 cod, waxaana xummaaday hal cod, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada HirShabeelle.

Doorashada guddoonka baarlamaanka oo lagu ballansanaa in ay qabsoonta galabta ayaa saakay laga soo hormariyay waqtiga inkastoo ay soo gaartay xiligaan.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji ayaa ka tirsanaa Safaaradda Soomaaliya ee Sudan, waxaana uu aad ugu dhowaa madaxda Villa Somalia, oo taageero weyn uu kaga helay guushiisa.

Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq, ayaa isna loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka HirShabeelle kadib markii uu tanaasulay Xildhibaankii la tartamayay ee Saadaq Salaad Warsame.

Xildhibaan Siraaji, ayaa si gacan taag ah loogu codeeyay waxa uuna sidaas ku noqday guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka HirShabeelle.

Guddiga ayaa sheegaya in hadda laguda geli doono doorashada guddoomiye ku xigeenka 2-aad oo ay ku tartamayaan Xildhibaan Axmed Cilmi oo hore xilkaan u heysay iyo Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan oo ka tirsan baarlamaankii hore ee HirShabeelle hadane ku soo laabtay baarlamaanka 2-aad.

Dhanka kale, xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabeelle kadib tartan dhaxmaray isaga iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo xilkaan hore u heysay.

Mahad Xasan Cusmaan ayaa helay codad gaaraya 87 cod, halka Xildhibaan Canab ay heshay codad gaaraya 12  Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan oo maanta xilkaan loo doortay ayaa hore uga tirsanaa baarlamaanka HirShabeelle, waxa uu sidoo kale soo noqday wasiirkii ugu horeeyay ee Wasaaradda Warfaafinta HirShabeelle Xukuumadii Madaxweyne Cosoble.

Doorashada maanta ka dhacday Jowhar ayaa waqti badan qaadan waxaana si dhib la’aan ah ukala adkaaday musharaxiintii guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenka 2-aad, halka guddoomiye ku xigeenka 1-aad uu u tanaasulay musharaxii la tartamayay.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la doorto Madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa waxeyna taas oo afjari doontaa doorashada HirShabeelle oo soo socotay bilooyinkii la soo dhaafay.