Taliyaha Ciidanka Uganda Oo Soo Gabo Gabeeyay Socdaal Uu Ku Tegay Xarumo Dhowr Ah

0

AMISOM ayaa sheegtay in Taliyaha ciidanka Uganda ee AMISOM Jeneraal Richard Otto uu soo gabagabeeyay socdaal uu ku tagay furimaha hore ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Socdaalkan oo ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda iyo in la qiimeeyo horumarku ciidanka ka sameeyeen dagaalka Shabaab ka dhanka ah ayaa waxaa Taliyaha ku weheliyay saraakiil sare sare oo ka tirsan howlgalka AMISOM .

Taliyaha ayaa si gaar ah u booqday goobaha ay gacanta ku hayaan ciidanka Uganda ee uu xakumo.

Ciidanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM waxay ka howl galaan Gobolada Banaadir, ,Shabeelaha Hoose iyo Jubbada dhexe.

Ciidanka ayaa qeyb weyn ka qaata sugidda amaanka waddooyinka sahayda muhiimka u ah iyo ilaalinta dadka shacabka ah.

Taliyaha ayaa la kulmay saraakiisha joogta goobaha ay ka mid yihiin Carbiska,Ceeljaale, Balidoogle iyo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha ciidanka Uganda ee AMISOM Jeneraal Richard Otto ayaa sheegay in uu ku faraxay diyaar ahaanshaha iyo firfircoonida ciidanka, isagoo sheegay in ay sii wadayaan daciifinta ama wiiqidda awooda cadwgu ku dagaali karo.