Xerada muhaajiriinta ugu weyn ee dalka Giriigga oo dab qabsaday

0

Dab ayaa baabi’iyay xerada muhaajiriinta ugu weyn Giriigga ee Moria, oo ku taalla jasiiradda Lesbos.

Ilaa 25 dabdamiyeyaal ah ayaa isku dayaya inay demiyaan dabka iyadoo muhaajiriintana laga saaray halkaas. Qaarkood waxaa soo gaaray dhaawac fudud.

Weli lama oga waxa sababay dabka. Dabeylo xooggan ayaa sababay in dab uu ka kaco qeybo kale oo jasiiradda ah.

Moria waxay hoy u tahay 13,000 oo qof, tiradaas oo afar jeer ka badan inta ay qaadi karto.

Barasaab ku xigeenka Lesbos Aris Hatzikomninos ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xerada “gebi ahaanba la baabi`iyay”.

Ra’iisul Wasaaraha Giriigga Kyriakos Mitsotakis ayaa maanta qaban doona kulan degdeg ah oo uu kaga warbixinayo dabka.