Labo wiil oo ku geeriyootay ceel biyood ay ku dhaceen gobolka Waqooyi-galbeed

0

Laba Wiil oo dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday Ceel-Biyood Ku Yaal deegan lagu magacaabo Baligubadle oo katirsan gobolka waqooyi-galbeed

Inkastoo soomaalilnad deegaankan Baligubadle iyo deegaano kale ay u aqoonsatey gobolka hawd halkaas oo xarun looga dhigey Magaalada Bali gubadle

Maydadka labadan Wiil ee ceelka  laga Soo saaray ayaa  lagu kala Magacaabi jiray Ayaan Cabdi Muuse iyo Maxamed Ibraahim Qawdhan

Gudoomiyaha gobolka soomaaliand ay ku magacaabeen hawd Axmed Cige Yare iyo duqa magalada  Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac ayaa garaay  goobtaasi waxana ay tacsi u direen ehelka wiilashan ceelka ku geeriyoday