Akhriso:-Maamulka G/Banaadir Oo Amaro Kusoo Rogay Maamulada Dugsiyada

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Isniin ah soo saaray Amaro ku socda dhamaan maamulada Dusiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa waxaa Dugsi kasta lagu amray inuu iska diiwaan-geliyo Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Maamulada Dugsiyada Gobolka ayaa waxaa la faray inay si wadajir u hirgeliyaan Manhajka 1-aad ilaa iyo 12-aad oo kal horey ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wareegtada uu soo saaray Guddoomiye Cumarb Finish lagu sheegay inuu jiri doono kormeero lagu hubinayo qodobada Maanta uu soo saaray Maamulka Gobolka, waxaana la xusay in cidii fulin weyda Go’aanada ay baalmartay sharciyada Waxbarashada dalka.

Ugu dambeyn dhamaan maamulada Dusiyada Hoose, Dhexe iyo Sare  ee Muqdisho ayaa waxaa laga dalbaday inay u diyaar garoowan dardar-gelinta iyo dib u habeynta tayada Waxbarashada iyo Macalimiinta, si  Maamulka G/Banaadir u fuliyo Amarada DFS.