Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Shiinaha

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Qin Jian.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, labada dal waxa ay adkeeyeen mowqifkooda mideysan ee ku aaddan ixtiraamka qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjire Qin Jian in Soomaaliya ay ixtiraamayso midnimada dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha.

Safiirka Shiinaha ayaa Madaxweynaha la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Taiwan ee ay kula kacday Qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, gaar ahaan xiriirka ay la sameystay Somaliland.

Waxaa uu ku celceliyay sida ay Dowladda Shiinaha uga go’antahay dhowrista Qarannimada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Taiwan oo ku dhawaaqay inuu ka go’ay Shiinaha ayaa dhowaan shaaciyay inuu xiriir diblomaasi la sameynayo Somaliland, waxaana labada dhinac isku afgarteen inay is dhaafsadaan wakiilo kala matalaya oo xafiisyo ka furta caasimadahoda.