Muuse Biixi oo Hargaysa kula kulmay wafdi ka socda dalka Kenya

0

Wararka ka imaanay deegaannada Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in maanta wafdi ka socda dalka Kenya ay gaareen magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland.

Wafdigan ayaa waxaa magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Soomaaliland oo uu ugu horeeyay madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Biix ayaa wafdigan oo isugu jiray xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan Kenya ku qaailay xarunta madaxtooyada Soomaaliland.

Madaxtooyada Soomaaliland oo war kooban ka soo saartay kulanka dhex maray wafdiga iyo madaxweynaha waxaa lagu sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo wanaajin lahaa xiriirka Soomaaliland ee Kenya, iyagoo sidoo kale u soo gudbiyay Salaan uu usoo diray madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyata madaxweyne Biixi,

Sidoo kalena la wadaagay in ay aad ugu faraxsan yihiin isla mar ahaantaasina ay soo dhawaynayso dawalada Kenya wadahadalladii dhex maray madaxda Soomaaliland ee dawlada Soomaaliya.