Soomaaliland oo sheegtay in ay ciidamo geyn doonto soohdinta u dhexeysa Puntland iyo soomaaliland

0

Naasir Ceydiid Maxamed Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha ee  Soomaaliland ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan ciidamada soomaaliland la geyn doono soohdinta uu soomaaliland uu la wadaago gobolada dalka.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa waxaa uu ka jawaabay hadal ka soo ka soo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan in Soomaaliland ay isaga baxdo deegaanada ay ka taliso Puntland oo ay gacanta ku hayaan.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Puntland aan waxba laga weyn diin doonin wadahadalada DFS iyo soomaaliland.

Maamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa xiligan waxaa ay isku haystaan deegaano ka tirsan gobolka Sool iyo Sanaag,iyadoona goboladaasi dhowr jeer ay ku dagaalameen labada dhinac.