Prof. Dalxa oo ka hadlay Doorashada dalka iyo Hadalkii Madaxwayne Farmaajo

0

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah golaha Shacabka BF Soomaaliya ayaa ka hadlay Doorashada dalka iyo Nooca ay Noqon Karto, Wuxuuna xusay in madaxwaynuhu uu sheegay in ay dhici karto doorasho qof iyo cod sidaad darted aysan jirin cid ka hortimid oo ah guddiga doorashada iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay in maalinka loo madlan yahay doorashada la arki karo Nooca ay noqoto balse aan laga sii hordhici Karin, waxa uu ku baaqay in la joojiyo buun-buunin uu sheegay in dadka qaar ay sameynayaan.

Xildhibaan Dalxa oo Aaminsan in doorashada ay noqon karto sida madaxwaynuhu Tilmaamay ee Qof iyo cod ah, wixii waqti dhaafid iyo in aysan suuragalin laga sugo goloyaasha shaqada ku leh.

Waa uu sii hadlay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa Waxaana uu sheegay in aysan jirin sabab la isugu murjiyo waxa dhici doono xiligaas, mar haddii Madaxweynaha Dalka oo ah shaqsiga ugu sareeyo Dowladda uu iclaamiyay doorashada iyo in aysan waqtigeeda ka gudbi doonin.

Ka Xildhibaan ahaan waxa uu sheegay in uusan walwal ka qabin dib dhac ku yimaada Doorashada, arrintaasina ayuu ku sababeeyay in damaanad qaadka Madaxweynaha DFS ay ku dhiiragelisay.

Xubnaha Mucaaradka ah oo isugu jiro Labadii Madaxweyne ee ka horeysay Madaxweyne Farmaajo, Xildhibaanno ka kala tirsan Labada Gole ee BFS, Siyaasiyiin, iyo xubno kale ayaa walwal ka muujiyay qabsoomidda doorashada dalka sabab la xidhiidha howlaha socda iyo waqtiga Dowladda oo sii idlaanaya.