BAAQ:- JAALLIYADDA BEESHA SADE EE UNITED KINGDOM.

0

Annaga oo ku hadleyna Magaca beesha Sade waxaan aad uga xunnahay Caddaalad darrada aan lala xishoon oo aan waafaqsaneyn xeerarka Dawliga ah ee lagula dhaqmay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Dr. Cabdullahi Xaashi Cali.

Waxaa 6/4/20 sifo aan sharciga waafaqsaneyn oo xoog ah xafiiskiisa looga soo kaxaystay Dr. Cabdullahi Xaashi iyadoon haba yaraatee loo haysan qoral ogolaasho Maxkamadeed ama mid hantidhowr amaba mid Boolis haba yaraatee laguna soo xirtay Saldhig Boolis, arrintaas oo ka fog nidaam dawli ah. 07/04/20 Maalintii labaad ayaa warqaddii waaranka xariggiisa lasoo qaatay.

Dr. Cabdullaahi Xaashi waxaa Maxkadda la geeyey muddo ka badan saddex goor oo kala ah 8/4/20, 14/04/20 iyo 30/04/20 mar walbana qolada soo xiratay waxay codsanayeen in wakhtiga loogu daro maadama ayan hayn wax ay maxkamadda hor keenaan oo cadaymo fal dambiyeed ah. Dr. Cabdullahi Xaashi oo muddo ilaa toddoba asbuuc sidaas ugu xirnaa Saldhigga Booliska wuxuu la kulmay Xannaano darro, Caafimaad xumo ilaa uu ku dhacay cudurka COVID-19, mana helin wax daryeel ah haba yaratee.

Waxaa mudan in la xuso in ugu dambeyn Maxkamada la keenay Cheque ay ku qoran tahay $27.000,00 oo aan wadan haba yaraatee qoraalladii habraaca ahaa ee cheque lagu bixiyey taasoo aan waafaqsaneyn nidaamka maamulka xisaabaadka.

Xaaladdu markay halkaas mareyso Dr. Cabdullahi wuxuu la il darnaa Caabuqa COVID-19 wuxuuna u baahday daryeel caafimad oo deg deg ah kaddib markii eheladiisu ay la yimaadeen caddeyn ah inuu cudurkaas qabo. Haddaba ehelkiisu waxay codsadeen in dammaanad lagu sii daayo si ay ula tacaalaan caafimaadkiisa: waxa dhacday in ay weydiisteen lacag dhan 150.000,00 USD taasoo fajac iyo amakaag ku noqotay dhammaan ummadda Soomaaliyeed noolanna ekaatay madax furasho.

Sida uu ku hadlay Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda oo u ekaa handadaad iyo cabsi gelin ehelka Dr Cabdullaahi Xaashi maadaama ay hadleen caddaaladdana ay weydiisteen dibeddana soo dhigeen hab dhaqanka guracan ee lagula dhaqmay Dr Cabdullaahi oo hareer marsan nidaamka Dowliga ah, waxaan leenahay Xeer ilaaliyuhu wuxuuu xukumay Dr. Cabdullaahi iyadoon Maxkamadi xukumin, sidaa darteed Dr. Cabdullaahi sidaas ayuuba ku xukuman yahay.
Waxaa xusid mudan in Xeer ilaaliyuhu yiri 3 sano ayaannu baaristaan daba soconey, isagoo isaguba magacaaban 6 bilood. Dr. Cabdullaahi Xaashi wuxuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda yahay 5 Sano taasoo ay wasaaraddu sannad walba xisaab xir sameyneysay,sidoo kale golayaasha Xukuumadda iyo Golaha shacabkana sannad walba laga ansixinayey. Haddaba, haddii ay wax khaldan yihin sow golayaasha iyo hantidhowrka guud iyo waliba xisaabiyaha guud lagama ogaadeen.

GABAGABO

Anagoo ku hadlayna magaca beesha Sade ee Europe gaar ahaan United Kingdom waxaanu si mug leh iyo cod dheerba ku cambaareyneynaa qaabka loola dhaqmay Dr. Cabdullaahi Xaashi oo aan haba yaraatee waafaqsaneyn nidaamka Dowliga ah iyo kan bani’aadamnimada toona sida xoriyaddiisii looga qaaday, naftiisiina halis loo geliyey; waxaanu cod dheer ku leenahay si deg deg ah oo sharuud la’aan ah xorriyaddiisa dib ha loogu soo celiyo. Sidoo kale waxaan Dawladda ugu baaqeynaa in ay magdhaw iyo raalli gelin ka bixiso maaddaama fal dambiyeedkii lagu soo eedeeyey lagu waayey.

Guddoonka Jaalliyadda Beesha Sade ee UK