AMISOM oo guulo ka sheegatay weerar ay Al-Shabaab ka fuliyeen J/Hoose

0

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, kadib dagaal ka dhacay deegaanka Bilis Qooqani ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab dhowr jiho ka weerareen saldhig ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Bilis Qooqani ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dagaalkaas ay dib uga biireen ciidamada AMISOM.

War-saxaafadeedka AMISOM waxaa lagu sheegay in weerarkaas Al-Shabaab loogu seddax xubnoo oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka kuwo kalena nolosha lagu qabtay, in kastoo aan qoraalkan lagu shaacin tirada xubnaha ay qabteen ciidamada AMISOM.

Taliska guud ee AMISOM ayaa soo afjaridda weerarkaas ku amaanay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga, kuwaas oo lagu tilmaamay qoraalka inay caawiyeen ciidamada Jubbaland laba kamid ah lagu dhaawacay weerarkaas oo ay soo qaadeen Al-Shabaab.