Dagaalada dhex mara ciidanka Booliska iyo Milateriga oo joogto ka noqday Muqdisho

0

Waxaa habeenadii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay ciidanka dowladda, gaar ahaan Boolis iyo Milateri, waxaana dagaaladaas ay xaafadaha qaar geliyeen khal khal xooggan iyo cabsi soo wajahay shacabka.

Dagaalkii u dambeeyay waxaa uu xalay ku dhex maray Xaafad ka tirsan degmada Hodan Ciidamo Boolis iyo Milateri, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo ka dhacay Xaafada Zone K ee degmada Hodan ayaa waxaa ku dhintay labo askari oo mid ka mid ah uu ahaa Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Milateriga oo lagu magacaabayay Daahir Sheekh Axmed.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ku baxay dagaalka, si uu u kala dhex galo labada ciidan, hase ahaatee intii uu waday waan waanta ayay haleeshay rasaas sababtay inuu u dhinto.

Dagaalkii xalay waxaa uu salka ku hayay qaad si sharci darro ah oo magaalada la soo geliyeen, kaasoo ay isku qabsadeen labada ciidan, waxaana markii dambe ka dhex bilowday rasaas culus oo qaadatay saacado.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha amniga dowladda oo ku aadan dagaaladan soo noqnoqday, iyadoo dhowr habeen ka hor ay aheyd markii ciidamo Boolis ah iyo ciidan Mialteri ah isku rasaaseeyeen xaafad ka tirsan degmada Wadajir, iyadoo markii dambe dagaalkaas ay ku baxeen Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.