Iska horimaad khasaaro geystay oo ka dhacay Boosaaso iyo xubin katirsan Kooxda Daacish oo la qabtay

0

Dabley hubaysan oo ka tirsan Kooxda Daacish, ayaa maanta bartamaha magaalada Boosaaso ee Xarunta Goboka Bari, ku weeraray askar ka tirsan Ciidanka PSF ee Puntland, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor-imaad kooban oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay, hal askari oo katirsan ciidamada Puntland ah iyo dagaalame katirsan Kooxda Daacish, ayaa ku dhintay iska hor-imaadka, waxaana nolosha lagu qabtay xubin kale oo Daacish ah, kadib markii uu dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Ciidamada Puntland.

Sidoo kale Ciidamada Puntland, ayaa gacanta ku dhigay hub iyo agab kale oo ay wateen dagaalamayaasha Kooxda Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan qaraxyo ay doonayeen sida la sheegay in ay ka fuliyaan gudaha Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland.